Geelle: Dowladda Soomaaliya guul la taaban karo ayay ka gaartay dagaalka Al-shabaab

Bulsha:- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle oo ka qeyb galaya shir-madaxeedka dalalka ay ciidamadoodu ku jiraan hawlgalka ATMIS ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay 'horumar la taanan karo' ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

"Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay horumar la taaban karo ka sameysay dagaalka maleeshiyada aragagixisada ah ee Al-shabaab" ayuu madaxweyne Gelle ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu sheegay in guulahaas ay qeyb ka yihiin wuxuu ugu yeeray xakameynta ilaha dhaqaale ee Al-shabaabb.

"Arrinta ku saabsan awoodda ciidamada Soomaaliya ay u leeyihiin inay sugaan amniga dalka marka la gaaro dhammaadka 2024-ka ayaa noqon doonta xudunta wadahadalka shirka" ayuu raaciyay madaxweyne Geelle.


Shir-madaxeedka dalalka ATMIS ayaa maanta ka furmay magaalada Kampala, waxaana sidoo kale lagu qiimeyn doonaan qorshaha kala-guurka ee Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment