PUNTLAND oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii BIIXI

Bulsha:-  Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalkii shalay kasoo yeeray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Biixi oo la hadlayay labada gole ee baarlamaanka Somaliland ayaa ku eedeeyay Puntland inay qayb ka tahay colaadda weli ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wasiir Dirir oo ka jawaabay eedeyntaasi ayaa sheegay in dadka la dagaallamaya Somaliland ay yihiin kuwii uu horay u dul dulmiyay Muuse Biixi, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaanu ku leenahay cod dheer iyo cod gaaban Muuse isaga ayay ku kooban tahay dadkii uu dulmiyaybaa iska celiyayoo hubka qaatay,” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Puntland aaney qayb ka aheyn dagaalkaasi, isla-markaana ciidamo ka socda aysan joogin aagga lagu dagaalamayo ee Laascaanood.

“Annaga Puntland kuma jirno, ciidamadeenana qayb kama ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka warfaafinta Puntland,”

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa caddeeyay mowqifka Puntland ee ku aadan arinta gobolka Sool, waxuuna tilmaamay inay qabaan in masiirkooda iyo rabitaankooda loo daayo dadka degan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee SSC.

“Mowqifka Puntland ee dagaalkaas ku aadan waxaa weeye dadkaa in aayo ka talintooda loo ogolaado, taladooda inay leeyihiin, in laga daayo xabadda lala dhacayo” ayuu mar kale yiri.

Si kastaba, ma’ahan markii ugu horreysay oo labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland ay hadallo caynkaan kale ah isku mariyaan warbaahinta, tan iyo markii uu billowday dagaalka muddada dheer ka socda gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment