Israel oo weerar dhimasho badan saaka ku qaaday Gaza

Bulsha:- Israel ayaa saaka duqeyn oo xooggan oo ka dhan ah kooxda Islamic Jihad ku qaaday Marinka Gaza, waxaa sidaas ku dhowaaqay militarigeeda, ayada oo wasaaradda caafimaadka maamulka Xamza ee Gaza ay sheegtay in 12 qof lagu dilay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in haween iyo caruur ay ka mid ahaayeen dadka dhintay, hase yeeshee ma bixin faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan aqoonsiga dhibbanayaasha.

Weriye ka tirsan AFP oo ku sugan Gaza ayaa arkay dab ka holcaya dusha sare ee dabaq kadib markii duqeymaha ay haleeleen, ayada oo baabuurta gurmadka deg degga ah ay daad-guraynayeen dhibbanayaasha.

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay beegsadeen saddex hoggaamiye oo ka tirsan Islamic Jihad, oo ah koox ay u aragto argagixiso.

Bayaan ay soo saareen ayey saddexda hoggaamiye ee la beegsaday ku sheegeen Jihad Ghannam iyo Khalil Al-Bahtani oo lagu beegsaday Marinka Gaza iyo Tareq Ezzdine oo lagu weeraray Daanta Galbeed.

Islamic Jihad ayaa xaqiijisay in saddex ka mid ah saraakiisheeda sare la dilay, ayada oo bayaan ay soo saartay magacyadooda ku sheegtay Jihad Ghannam, oo ahaa xoghayaha golaha militariga ee guutada Al-Quds, iyo Khalil al-Bahtini oo taliye sare ka ahaa garabka militari.


Qofka saddexaad, Tareq Ezzedine, ayey Islamic Jihad ku qeexday “mid ka mid ah madaxda howlgallada militari ee Daanta Galbeed ee la haysto, kaasi oo ka howlgalayey Gaza.”

Magaalada Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, sawir qaade ka tirsan AFP ayaa arkay meydka nin lagu sheegay Ghannam.

“Waxaan u baroordiiqeynaa hoggaamiyeyaasha iyo xaasaskooda iyo tirada caruurta ah ee lagu dilay dambiga fuleynimo ee Sahyuuniyadda,” ayey Islamic Jihad ku sheegtay bayaan ay soo saartay, ayada oo wacad ku martay “dhiigga shuhadada wuxuu kordhin doonaa go’aanka” xarakada.

Duqeymaha oo billowday waxyar kadib 2:00 am ayaa socday illaa laba saac, sida ay sheegeen weriyayaasha AFP, ayada oo qaraxyo cusub laga maqlay bariga.

Howlgalka ayaa yimid wax ka yar toddobaad kadib markii Islamic Jihad ay xabbad-joojin uga dhowaaqday Gaza -- taasi oo ay dhex-dhexaadisay Masar kadib rabshado cusub oo ka dhashay mid ka mid hoggaamiyayaasheeda oo ku jiray cunno ka soomid oo ku dhintay xabsi Israel.

AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment