Booliska Uganda oo sheegay in ay ka hortageen Weerar qaraxyo ah oo lala damacsanaa Magaalada Kambaala

Bulsha:- Ciidamadda  Amniga dalka Uganda ayaa gacanta ku dhigay 6 qof oo looga shakisan yahay in lagu helay walxaha qarxa oo la qorsheynayay in loo adeegsado dibadbaxyada dowladda looga soo horjeedo ee ka dhacaya magaalada Kampala ee Caasimada dalka Uganda .

Booliska Uganda ayaa sidoo kale  sheegay in ay  qabteen alaabo ay ka mid yihiin 12 dhalo oo khamri ah, boorka dhuxusha, sokor, jeergaano shidaal ah, sanduuqyo kabriid ah, koofiyadda qaraxa, dynamite, iyoAgab kale.

Dibad baxyo oo la qorsheeyay in dalka oo dhan ka dhaco ayaa waxaa soo qaban qaabiyay kooxda u dooda xoriyada dalka Uganda, waxaana looga soo horjeeday dhaqaalo xumo iyo musuq maasuq ka jira dalka.

Ammaanka Magaalada Kampala ayaa  aad loo  adkeeyay iyadoo booliisku ay sheegeen in dibadbaxyadu ay sharci darro kuwo sharci darro ah.

Major Charles Kabona, oo ah afhayeenka ciidamada difaaca Uganda, ayaa sheegay in howlgalada wadajirka ah ay qaadeen iyagoo ku saleysan xog la helay subaxnimadii Isniinta.


Dalka Uganda ayaa horey  waxaa uga dhacay qaraxyo dad bdan ay ku dhinteen oo ay geysteen Al-Shabaab.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment