Dowladda oo sheegtay inay dagaal ku dishay Xubno katirsan Al-Shabaab

Bulsha:-  Dagaal xoogan ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab waxaa uu ku dhexmaray degaanka Makuude oo qiyaasti 7 KM dhanka koonfurta ka xiga Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen degaankaas, waxaana dagaalkii ka dhacay ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Abaanduulaha qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana dagaalkii ay la galeen ay ku gaarsiiyeen khasaaro xoogan.

Wuxuu sheegay in ay dagaalka ku dileen 14 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab, sidoo kalena Afar kale ay nolosho ku qabteen, isaga oo hadalkiisa intaasi kudaray inay hadda wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Xubnihii katirsanaa Al-Shabaab ee soo weeraray.


Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya  degaanka Makuude ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana Ciidamada dowladda qeybta 60aad iyo kuwa Nabadsugida Koonfur Galbeed ay howlgallo ka wadaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment