Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay WAARE

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareegto soo saaray ayaa xil cusub u magacaabay madaxweynihii hore ee HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare.

Sida ku cad wareegtadan oo ay goordhaweyd baahisay Villa Soomaaliya waxaa Waare loogu magacaabay inuu noqdo ergayga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo talisyadooda faray inay la shaqeeyaan ergeyga cusub, si uu u guto waajibaadka loo igmaday.

Ujeedka magacaabistan ayaa waxaa sidoo kale lagu macneeyay sidii loo xakameyn lahaa khasaaraha rayidka, si aysan waxyeelo uga soo gaarin howlgallada iyo duqeymaha lagu beegsado xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab.

“Madaxweynaha oo mudnaanta koowaad siinaya qorshihiisa xakameynta qasaaraha rayidka si aysan waxyeello uga soo gaarin dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha ay ka socdaan howlgallada dalka looga sifeynayo argagixisada Al shabaab ayaa qeybaha kala duwan ee talisyada ciidamada Qalabka Sida ku adkeeyey in ay si dhow ula shaqeeyaan ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka” ayaa lagu yiri wareegtada.


Sidoo kale madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya ayaa kula dardaarmay Ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka Mudane Maxamed Cabdi Waare in uu xaqiijiyo gudashada waajibaadkiisa Qaran si looga fogaado in dhibaato ay soo gaarto dadka Soomaaliyeed xilliyada dagaallada,.

Waxaa kale oo uu ku booriyey in uu ka shaqeeyo sidii ay deegaannada laga xoreeyeyay Al-Shabaab u heli lahaayeen maamul, xasillooni iyo adeegyo bulsho oo dhammeystirin.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Si kastaba,  Maxamed Cabdi Waare oo kamid ah siyaasiyiinta aan la gamban hadallada ayaa ku biiraya safka uu ku jiro xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo isna horay loogu magacaabay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaalbilsan arrimaha bani’aadanimada iyo gurmadka abaaraha dalka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment