Taliyaha Ciidanka Booliska oo Amar dul-dhigay Saraakiisha hoggaanka Baarista ee CID-da

Bulsha:- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa saakay kormeeray qeybta Faraha ee hoggaanka baarista dembiyada ee CID-da ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa xog wareystay qaar kamid ah Shacabkii ku sugnaa Xarunta ee loo adeegayay, isaga oo wax ka weeydiiyay sida ay u socoto Shaqada Xarunta iyo hadii ay cabasho qabaan.

Taliyaha ayaa u kuur galay hanaanka shaqo ee shacabka loogu adeego, wuxuuna howsha socota ka wareystay dadkii shacabka ahaa ee goobta loogu adeegayay, isaga oo Saraakiisha faray in ay si xirfad, akhlaaq iyo anshax-wanaag ku dheehan tahay loogu adeego shacabka.

Xarunta Hay’adda dambi barista ee CID-da ayaa waxaa ay kamid tahay Xarumaha dowladda Soomaaliya ee Shacabka loogu adeego, isla markaana cabasho la xiriirta in lacago laaluush ah Shacabka looga qaado ay ka timaado, waxaana taliyeyaasha isaga kala dambeeyay Booliska Soomaaliya ay mar walba tagaan Xaruntaas oo aan wax isbedel ah laga dareemin










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment