Wajiga labaad howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo billaawday & degaanno lala wareegay

Bulsha:- Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka ayaa ka bilaabay degaano katirsan Gobolka Galgaduud wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab, iyaga oo degaano kala wareegay Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa degaannada ay la wareegeen waxaa kamid ah Baraag sheekh Caamir , Tixle, Cali heelle, iyo Ceel Cali Axmed oo dhammaantood  hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in intii ay howlgallada kujireen ay dagaalo aan badneyn ay la galeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayna khasaaro xoogan gaarsiiyeen.

Waxaa ay sheegeen in uu billaawday wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa guud ahaan laga saarayo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan markii uu tegay degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa uu halkaasi kaga dhawaaqay in uu billaawday wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab si guud ahaan meelaha ay heystaan Al-Shabaab loo xureeyo.


Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa hakad galay howlgalkii ka dhanka ah Al-Shabaab,balse waxaa hadda socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee howlgalka loga bilaabayo degaano ka kala tirsan Maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment