Midowga Yurub oo shaaca ka qaaday inuu hub halis ah siinayo Soomaaliya

Bulsha:- Madaxa siyaasadda arrimaha dibdda Midowga Yurub ayaa sheegay in ururka uu hub halis ah u diri doono dalal ka baxsan Ukraine “oo aad u daneynaya taageero hub culus,” kuwaas oo Soomaaliya ay ku jirto.

Isaga oo ka hadlayey Madasha Amniga iyo Difaaca ee Schuman ee magaalada Brussels, Josep Borrell ayaa sheegay in jawaabta Midowga Yurub ee dagaalka Ukraine ay beddeshay “sida Yurubta u arkaan amnigooda iyo difaacooda.” 

Waxa uu xaqiijiyey in tallaabadii ugu horreysay ee taageero ay hub halis ah ku siin doonaan dalalka Soomaaliya iyo Niger dhowaan. 

“Dalalka aan saaxiibada nahay, sida Soomaaliya oo kale waxay doonayaan taageerada hub halis ah. Sidaas oo kale ayaan u sameynay Ukraine, waana u sameyn karnaa kuwa kale,” ayuu yiri Josep Borrell.  

Hadalka Borrell ayaa imanaya ayada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay billowday qorshaha wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo hadda hakad ku jira muddo dhowr bil ah. 

Wejigii koowaad ee dagaalka ayey dowladdu ka gaartay guulo la taaban karo. Wasaarada difaaca ayaa sheegtay in wejiga koowaad lagu dilay in ka badan 3,000 oo Shabaab ah, lagu dhawacay 3,700, islamarkaana lagu xorreeyey 70 deegaan.


Lacagta guud ee ururka uu ka fakarayo inuu ciidanka Soomaaliya ku taageero ayaa ah €30 milyan, waxaana la qorsheyn doonaa ayada oo ay qeyb ka tahay mashruuca European Peace Facility (EPF).

Hindisaha European Peace Facility (EPF) ayaa ah midka Midowga Yurub uu u adeegsado inuu ku taageero ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira ciidamada kusoo duulay ee Ruushka.

Hindisahan ayaa sidoo kale horey loogu taageeray ciidamada dhowr dal oo ka mid ah Afrika, waxaana ugu dambeeyey ciidamada Rwanda oo dabayaaqadii November ku helay €20 milyan, si looga caawiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee ay ka wadaan gobolka Cabo Delgado ee dalka Mozambique.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment