Mareykanka iyo Canada oo gaaray heshiis ka dhan ah dadka soo galootiga ah

Bulsha:- Dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa gaaray heshiis ay kaga hortagayaan dadka magangelyo doonka ah ee ka taallabayo xuduudaha aan rasmig aheyn ee dalalkaas, kuwaasoo muddooyinkii ugu dambeeyay ku qulqulayay xuduudda Mareykanka iyo Canada, sida ay sheegeen saraakiisha.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqi doona heshiiska Maanta xilli Biden uu booqasho ku tagay Canada.

Heshiiska ayaa la filayaa inuu u ogolaado saraakiisha labada dhinac ee ku sugan xuduudka inay dib u celiyaan dadka magangalyo-doonka ah ee u socda Mareykanka iyo Canada.

Dhinaca kale, Maraykanka waxaa sare u kacday tirada dadka soo galootiga ah ee kasoo tallaabaya dhinaca Canada.


Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xaddidayo qulqulka muhaajiriinta ee kasoo gudbeysa Waddada Roxham, oo ah waddo aan sharci aheyn oo ay dadka maraan taasoo isku xirta gobolka New York iyo gobolka Quebec ee Canada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment