Al-Shabaab oo lagala wareegay degaano katirsan Gobolka Hiiraan

Bulsha:- Ciidamo deegaanka ah oo dhawaan ka baxay Magaalada Muqdisho ayaa Maanta la wareegay degaano hoostaga Degmada jalalaqsi gobolka hiiraan kadib howlgal qorsheeysan oo ay fuliyeen.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hub farabadan ayaa degaannada ay la wareegeen waxaa kamid ah,  Qurcaleey, Jabileey iyo degaan kale oo hoostaga Degmada Jalaalqsi ee gobolka hiiraan sida aay Warbaahinta u sheegeen Saraakiisha hogaamineysay howlgalkan.

Ciidamada ayaa weli howlgallada siibwada, waxaana ay kusoo aadayaan xilli Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu dib ugu laabtay Magaalada Beledweyne, isla markaana uu ku dhawaaqay wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment