Howlgalka ATMIS oo ku dhawaaqay inay qeyb ka noqonayaan howlgalllada ka dhanka ah Al-Shabaab

Bulsha:- Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa hambalyo diirran u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan. .

Danjiraha ayaa ku booriyay dadka muslimiinta ah in ay u duceeyaan dalka inta lagu jiro bisha barakeysan si uu uga gudbo caqabadaha hortaagan loona xaqiijiyo in nabad iyo xasilooni la gaaro.

“Inta lagu jiro bisha barakeysan iyo xitaa ka dib, waa in aan dadaalno oo aan si dhow ula shaqeyno kuwa madaxda ah si aan u dhisno Soomaaliya ammaan ah, barwaaqo ah. Waxaan abaal ku leenahay jiilalka hadda jira iyo kuwa soo socda,” ayuu yiri Danjire Souef.

ATMIS waxay mar kale ku celinaysaa in Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), uu sii wadi doono inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee wanaagsan dagaalka lagula jiro argagixisada iyo kooxaha kale ee hubaysan ee mucaaradka ah oo in muddo ah u diiday dalka nabadda oo ay dad badani u ooman yihiin.


Warkaan kasoo yeeray Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa kusoo aadaya xilli Ciidamada ATMIS aysan qeyb ka aheyn howlgalladii ugu dambeeyay oo ay Ciidamada dowladda & kuwa degaanka kula wareegeen degaano dhowr ah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment