Arsenal oo la hakiiyay iyo Manchester United oo xajisatay kaalinta afraad

Bulsha:- Rajadii Arsenal ee ahayd in ay 10 dhibcood ku hoggaamiso tartanka horyaalka Premier league-ga ayay kooxda Newcastle United hakisay, kadib markii ciyaartii ay labada kooxood iskaga horyimaadeen xalay garoonka Emirates ay ku soo idlaaay barbardhac 0-0 ah.


Ciyaartii u dhaxaysay kooxaha ku jira kaalimaha kowaad iyo saddexaad ee ka dhacday London ayaan noqon sidii ay jecleyd kooxda Arsenal, iyda oo ka niyad jabtay kulankii Newcastle.

New Castle ayay u aheyd ciaartii 10-aad ee xilli ciyaareedkan oo aan wax gool ah laga dhalin.

Laakiin kooxda Manchester United oo lasoo baxday qaab ciyaareed wanaagsan kulamadii ugu dambeeyay ayaa dhinaca kale 3-0 kaga soo badisay kooxda Bournemouth, iyada oo Manchester United ay sii xoojisay booskeeda afarta sare, waxayna hadda dhibco wadaag yihiin Newcastle.

Waxaa Manchester United goolasha u kala dhaliyay Casemiro, Luke Shaw iyo Marcus Rashford.

Kooxda Brighton ayaa iyana 4-1 kaga badisay kooxa Everton.


Arsenal oo ku guuldareysatay inay gool dhaliso markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan dhammaan tartamada, ayaa 44 dhibcood ka heshay 17 kulan oo ay ciyaartay, halka kooxda heysata horyaalka ee Manchester City ay leedahay 36 dhibcood ka dib markii ay ciyaareen 16 kulan.

Tabaharaha Arsenla Mikel Arteta ayaa si caro leh uga falceliyay kadib markii Arsebak laga diiday laba rigoore.

Reuters.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment