Ilhaan Cumar oo markii saddexaad loo dhaariyay xubin ka tirsan Congress-ka Mareykanka

Bulsha:- Ilhaan Cumar oo laga doorto degmada shanaad magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa markii saddexaad Talaadadii loo dhaariyay xubin ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada Congress-ka Mareykanka.

Ilhan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa bishii Novermber ee sannadkii hore mar kale dib loo soo doortay.

"Kursigani aniga kaliya maaha. Waxaa isla leh kumannaanka qof ee aan ku metelo, kuwaas oo doonaya wakiil u dagaalama" ayay barteeda Twitter-ka kusoo qortay Ilhan markii la dhaafiyay kadib.

Waxay sheegtay in u dagaallami doonto sidii wax looga qaban lahaa cimilada, xuquuda shaqaalaha iyo ilaalinta dimuqraadiyadda.

Ilhaan Cumar ayaa dabayaaqadii 2018 noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali-Mareykan ah oo ka mid noqda Congress-ka Mareykanka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment