XOGCUSUB: Ciidanka lagu soo tababaray Eritrea ma waxaa lagu wareejiyay Imaaraadka?

Bulsha:- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis cusub la saxiixatay dalka Isu Tegga Imaaraadka, waxaana heshiiskan qalinka ku duugay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Wasiirka oo haatan howlo shaqo u jooga magaalada Abu Dubai ayaa sheegay in heshiiskan uu ku qotomo xiriirka soo jireenka ah ee labada waddan, uuuna ka tarjumayo madax-bannaanida, gobannimada iyo danaha isku soohan ee labada qaran ee walaalaha ah.

“Iskaashigaan ayaa kor u qaadaya awoodda difaac ee qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna gacan weyn ka geysan doonaa dagaalka argagixisada looga ciribtirayo dalkeenna Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo ka falceliyay heshiiskan ayaa sheegay in qodobadiisa ay kamid yihiin in ciidamada lagu soo tababaray Eritrea lagu wareejiyo Isu-tagga Imaaraadka, sidaasna ay dowladda Soomaaliya ku wareejisay ciidamadaasi, sida uu hadalka u dhigay

Cali Yare ayaa shaaca ka qaaday in la burburiyay wareegtadii ay dowladdii hore dalka uga saartay khuburada ciidan ee Imaaraadka, isla-markaana uu markale ka howlgalo xerada General Gordan oo ku taalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya ayaa dalka Imaaraadka Carabta ku wareejisay ciidankii lagu soo tabobaray Eritrea, heshiiska oo Abu Dhabi lagu saxiixay wuxuu qorayaa in dowladda Imaaraatka markale lagu wareejiyo kana howlgasho xerada ciidanka Jeneral Gordan iyaga oo maamuli doona habsami-usocodka xerada iyo ciidanka ku jira, sidoo kalana labada dowladood iska kaashadaan habkii ciidanka yimid loo howlgelin lahaa,” ayuu yiri Cali Yare.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Maanta maalin madoow iyo mugdi gudcur ah ayay kaga dhigantahay qaranka Soomaaliyeed”.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Imaaraadka Carabta uu bixin doono dhaqaalaha ciidanka iyo agabka lagu howlgalin lahaa, sida uu hadalka u dhigay.


“Sida heshiiska lagu qoray dalka Imaaraatka ayaa dowladda ka caawin doona dhaqaalihii ciidanka lagu howlgelin lahaa, agabkooda iyo dib-ucasriyeeynta xerada. Waxaa la buriyay wareegtadii ay dowladdii hore dalka uga saartay quburada ciidan ee Imaaraatka dib ayay dalka uga howlgeli doonaan muddo 14 maalmood (labo asbuuc) gudahood ah,” ayuu yiri.

Siyaasigan oo si weyn u macaarado dowladda federaalka ayaa dhanka kale nasiib darro ku tilmaamay in ciidamadan oo xogtooda muddo la qarinayey lagu wareejiyo Imaaraadka.

“Waxaa nasiib darro ah in dowladdii ugu weyneeyd ee xogta ciidanka laga qarinayay muddada dheer maanta sahlan loogu gacan galiyay iyada oo la eegayo dano dhaqaale iyo qandaraasyo kooban,” ayuu markale ku yiri qoraalka uu soo saaray Cali Yare Cali.

Halkan hoose ka daawo daawo sawirrada heshiiska.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment