Ukraine oo fashilisay weerar cirka ah oo Ruushku ku qaaday Kyiv

Bulsha:-  Ukraine ayaa sheegtay Arbacadii inay fashilisay weerar uu Ruushku ku soo qaaday caasimadda dalkaas ee Kyiv, iyada oo isticmaalaysa nidaamkeeda difaaca cirka, waxaana Ukraine ay sheegtay inay soo rideen illaa 13 diyaaradood oo aan nooca aan duuliyaha lahayn oo siday qaraxyo kala duwan, kuwaas oo isku dayayey inay soo galaan hawada caasimadda, inkasta oo burburkoodu uu khasaare u geystay illaa shan dhisme.

Maayarka caasimadda Vitali Klitschko ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay badhtamaha degmada Shevchenkivskyi eek u taalla badhtamaha caasimadda Kyiv, isagoo intaas ku daray inaanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa barteeda Twitterka ku sheegtay in Ruushku uu soo qaaday weerarka kale oo uu adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxanaynta ku tilmaameen Moscow inay keliya kalsooni dareemaan marka ay weerarayaan magalooyinka nabadda ah.

Weeraradan loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa qayb ka ah, weeraro xooggan oo Ruushku tan iyo bishii October ku bartilmaameedsanayey xarumaha laydhka, xarumaha biyaha iyo goobaha kale eel aga bixiyo adeegyada dadweynaha, isaga oo doonaya inuu ku niyad-jebiyo dadka reer Ukraine, gaar ahaan xilliga jiilaalka.


Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay AFP, AP iyo Reuters










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment