Mareykanka oo $411 milyan siinaya dowladda Soomaaliya

Bulsha:-  Ayada oo ay weli Soomaaliya ka jirto xaalad adag oo bani’aadanimo, isla-markaana ka dhalatay abaaraha ka jira waddanka ayaa dowladda Mareykanka waxay ku dhawaaqday lacag malaayiin dollar oo ay ugu talagashay Somalia.

Samantha Power oo ah madaxa hay’adda USAID ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay Somalia ugu deeqeyso $411 oo dheeri ah si loo xoojiyo gargaarka bini’aadanimada.

Lacagtan ayey sheegtay in wax looga qaban doono howlaha gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya, gaar ahaan xaaladaha nololeed ee ka dhashay abaaraha ka jira dalka.

Sidoo kale waxa ay xustay in kordhinta gargaarka bani’aadanimo ee Soomaaliya ay hakisay macluushii la saadaalinayey bilo kahor, walow ay weli xaaladu tahay mid adag.

Mareykanka ayaa horey Soomaaliya ugu deeqay lacago malaayiin dollar ah, isaga oo sanadkan kaliya bixiyay illaa 1 $1.3 bilyan, taas oo wax looga qabanayo xaaladaha deg-dega ah, sida ay sheegtay madaxa ugu sarreeya ee hay’adda USAID Samantha Power.

Soomaaliya ayaa waxaa ku soo noq-noqday abaaraha, taas oo saameysay nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed, balse QM iyo dowladda ayaa sheegay in macluushii laga hortagay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment