Duqa magaalada Istanbul oo lagu xukumay xabsi iyo xayiraad siyaasadeed

Bulsha:- Maxkamad Turkish ah ayaa Arbacadii ku xukuntay duqa magaalada Istanbul ku dhowaad saddex sano oo xabsi ah, taasi oo ka mamnuuceysa inuu isu soo taago doorashada madaxweynaha ee bisha June ee sanadka xiga.

Kooxda Ekrem Imamoglu ayaa deg deg wacad ugu maray inay racfaan ka qaadan doonaan kiiskan oo ka dhashay hadal uu jeediyey 2019-kii kadib markii uu tartanka duqa magaalada Istanbul kaga adkaaday xulufada madaxweyne Erdogan.

Dadka lagu xukumo wax kayar afar sano ayaan inta badan xabsiga la dhigin dalka Turkiga.

Hase yeeshee xukunkan la xiriira “inuu aflagaadeeyey mas’uul haya xil dowaldeed” ayaa 52 jirkan -- oo ka mid ah xiddigaha xisbiga cilmaaniga ee Turkey -- ka mamnuucaya siyaasadda muddada xukunka.

Imamoglu ayaa sii hayn doona xilka duqa magaalada ugu weyn Turkiga inta lagu gudo jiro racfaanka xukunka.

Booliiska rabshadaha ka hortaga ayaa la dhigay bannaanka maxkamada ee dhanka Aasiya ee magaalada ay ku nool yihiin 17-ka milyan oo qof, inkastoo Imamoglu uu sii watay shaqadiisa sidii caadiga ahayd, haddana wuxuu meesha ka saaray dacwadii maxkamada.

“Dowladda ha is-casisho” ayey ku qeylinayeen boqolaal ka mid ah taageerayaasha Imamoglu oo isugu soo baxay dibadda xafiiskiisa kadib markii xukunka lagu dhowaaqay.

Isagoo ku sugan xaruntiisa dowladda hoose ee Bosphorus ee dhinaca Yurub ee Istanbul, ayaa wuxuu u sheegay kumannaan qof oo taageerayaashiisa ah in xukunku uu calaamad u yahay "sharci-darro qotodheer" oo "caddaysay inaan caddaaladi ka jirin Turkiga maanta.”

Waxa uu sheegay in cod-bixiyeyaashu ay ka jawaabi doonaan doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka ee loo qorsheeyay bisha June ee soo socota.

“Waxa halkan ka dhacay waxay ku dhici karaan qof kasta,” ayuu ku digay Imamoglu. “Waxaan ka dhigi doonnaa kuwa na xukumay inay ka shallaayaan wixii ay nagu sameeyeen marka la tago sanduuqa codbixinta."


Maxkamadda ayaa diiradda saartay hadal uu Imamoglu u jeediyey weriyayaasha bilo kadib markii uu ka adkaaday musharax ay xulafo yihiin Erdogan, doorasho ku celis aheyd kadib markii la nasakhay middii koowaad.

Saraakiisha ayaa sheegay inay heleen boqollaal kun oo "codad laga shakisan yahay ah" kadib markii Erdogan uu diiday inuu qiro guushii koowaad Imamoglu.

Go’aanka ayaa si xooggan u ceebeeyey xisbiga Erdogan, kadib markii doorashadii lagu celiyey uu si aan shaki laheyn mar kale ugu guuleystay Imamoglu.

Imamoglu ayaa kadib si caro leh u hadlay isaga oo kuwii nasakahy doorashada ugu yeeray “doqomo.”

Maxkamad ku taalla Istanbul ayaa Imaamoglu ku xukuntay labo sano iyo todobo bilood iyo bar oo xarig ah, kadib markii lagu soo eedeeyay aflagaadeyn.

Waxa kale oo ay dabaqday qodob gaar ah oo ka mid ah xeerka ciqaabta oo Imamoglu ka mamnuucaya siyaasadda.

Ka-mamnuucidda siyaasadda ee Imamoglu ayaa imaaneysa iyadoo xisbiyada mucaaradka Turkiga ay wali ka doodayaan cidda la tartami laheyd Erdogan doorashada madaxtinimada ee soo socota.

Codbixinta June 2023 ayaa noqon karta caqabadii ugu weyneyd ee dhanka siyaasadda ah ee soo wajahda Erdogan, kaas oo doonaya in uu xukunka ku kordhiyo tobanka sano ee soo socota isaga oo wajahaya hoos u dhaca lacagta iyo sicir bararka baahsan ee kor u qaaday qiimaha nolosha ee Turkiga.

Duqa magaalada Istanbul ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaal faro ku tiris ah oo codbixinta ra’yiga ay muujineyso inuu ka guuleysan karo Erdogan.

AFP, REUTERS










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment