Sawirro: Odayaasha beesha Saleebaan ee lasoo heshiiyey Al-Shabaab oo la xiray

Bulsha:- Ciidamada Ammaanka Galmudug ayaa goordhow xabsiga dhigay odayaal ka tirsan beesha Reer Xaaji Saleebaan oo saaka saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado, kuwaas oo kasoo laabtay deegaannada ay maamulaan Al-Shabaab.

Odayaashan ayaa qirtay inay heshiis lasoo galeen kooxda Al-Shabaab, laba maalin kadib markii kooxda ay soo saartay bayaan faah-faahinaya qodobada heshiiska.

Taliyaha Qeybta 21-aad General Xasan Jaamici oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri “Odayaasha waa la xiray, waxaana loo gudbiyay magaalada Dhuusamareeb si sharciga loo horgeeyo cidna lagama aqbalayo in Al-Shabaab ay la tacaamusho”

Guddoomiyaha Degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame, oo sidoo kale goobta ka hadlay ayaa yiri” Odayaasha maanta hadlay waa dambiilayaal, tallaabo ayaana laga qaadayaa xitaa wariyaashii wareystay cadaaladda ayaa la hor keenayaa.”

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in wax macaamil ah lala sameeyo kooxda Al-Shabaab, iskaba daa in heshiis lalal soo galee, waxayna ballan-qaaday in tallaabo laga qaadi doono ciddii sidaas sameysa.


Shirkii jaraa’id ee ay saaka qabteen ayey odayaasha Slaeebaan ku beeniyeen inay la shaqeeyaan Al-Shabaab, balse waxay qirteen inay ugu tageen arrimo xal raadin ah.

“Oday dhaqan waxaa xalkiisu yahay meeshii dadka shacabka ah wax ka galaan inuu galo, sidaas ayaan annaga ku galnay. Shabaab ma nihin, siyaasiyiina ma nihin,” ayuu yiri Nabadoon Cali Yare Axmed Xayle oo kamida odayaasha heshiiska lasoo galay Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamnay in heshiiska ay la galeen Al-Shabaab kusoo daayeen illaa 67 qof oo maxaabiis ahaan ay u heysteen Al-Shabaab, sidoo kalena ay kasoo fasaxeen gaadiid fara badan.

“Annagu 67 qofood ayaan keenay, gaadiidkii Saleebaan oo afar bilood xayirnaa saakadaan-bey dareerayeen kulligood,” ayuu sii raaciyay Nabadoon Cali Yare Axmed Xayle.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment