Bulsha:- Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa safar ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Jubaland, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika.
"Masuuliyiinta ayaa ka wadahadlay diyaar garoowga loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa hoggaanka Kooxda Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada Jubaland iyo taageerada ciidamada Kenya ee qaybta ah ee ATMIS ee qeybta howlgalada dhawaan bilaabayaya" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay maamul Jubaland.
Jubaland ayaa intaas ku dartay in Axmed Madoobe iyo Aadan Barre Ducaale ayaa 'si qoto dheer u lafa gureen sidii looga wadashaqeyn lahaa amniga xuduudaha mudada ay socdaan howlgalladan.'
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment