BIDEN oo weji cusub u yeelay xiriirka Mareykanka iyo Somaliland

Bulsha:- Madaxweynaha dowladda Mareykanka Joe Biden ayaa maanta saxiixay xeerka difaaca qaranka Maraykanka ee loo soo gaabiyo NDAA, kaas oo Somaliland fursad u siinaya inay iskaashi milatari la yeelato xukuumadda Washington.

Xeerkan ayaa waxaa sidoo kale horay usoo meel-mariyay Golaha Congress-ka Mareykanka, wuxuuna ogolanayaa in labada dhinac ay yeeshaan iskaashi milatari oo toos ah.

Mareykanka ayaa maalmihii u dambeeyay waday dadaallo uu ku horminayo xiriirka Somaliland, wuxuuna dhowr jeer wufuud kala duwan u diray magaalada Hargeysa.

Tibor Nagy oo ah kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibbada Maraykanka u qaabilsanaa Geeska Afrika oo ka hadlay xeerkan cusub ayaa shaaca ka qaaday in haatan Maraykanka uu ogaaday in Somaliland ay la shaqeyn karto ayna awoodi karto macaamilka Washington.

“Madaxweyne Biden waxa uu saxiixay Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka ee NDAA, kaasi oo ogolaanaya in Somaliland ay ka qaybqaadato barnaamijyada millateriga Maraykanka, dowlada Maraykanku ugu danbayntii xaqiiqda ayay ogaatay, ‘Waddanka yar ee awooda’, waa saaxiib qiimo leh” ayuu yiri Tibor Nagy.

Dhowaan ayey aheyd markii madaxweyne Biixi uu ku fanaay in Somaliland ay meel fiican ka mareyso caalamka, islamarkaana ay hormariyeen siyaasaddooda arrimaha dibadda, gaar ahaan xiriirka ay la leeyhiin dowladda Mareykanka.

“Maanta Somaliland caalamka meel fiican ayey ka mareysaa waxaad ogtihiin in labada aqal ee Mareykanka ay baas gareeyeen in dowladda Mareykan ay ku qasbeen inay la yeelato xiriir diblumaasiyadeed & mid amaan Somaliland,’ ayuu yiri madaxweynuhu isaga oo xilligaas ka hadlayey iskaashiga ballaaran ee ay la leeyihiin dowladda Mareykanka.

Si kastaba, madaxweynaha Somaliland ayaa horey u booqday Mareykanka, isaga oo lasoo kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi, walow uusan ka helin soo dhoweyn aad u sarreysa.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment