Mareykanka oo duqeyn ku laayay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Bulsha:- Taliska AFRICOM ee Mareykanka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay duqeyn ay diyaaradadooda dagaalka Jimcihii ay ka fuliyeen agagaarka degmada Cadale oo qiyaastii 150 mile u jirta Muqdisho.

AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi cirka ah ay la beegsatay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday ciidamada huwanta, waxayna sheegtay inay dalab ka heshay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu talisku xaqiijiyay in duqeyntaasi lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, mana jiro khasaare kasoo gaaray rayidka, sida lagu sheegay warbixinta.

“Al-Shabaab waa Shabakadda Al-Qaacida ugu weyn uguna dhimashada badan caalamka, waxayna caddeysay rabitaankeeda iyo awoodda ay u leedahay inay weerarto rayidka Soomaalida, Bariga Afrika iyo Mareykanka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay AFRICOM.

Waa duqeyntii saddexaad oo muddo maalmood gudahood ah Mareykanka ka fulinayo gudaha Soomaaliya, taas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta koowaad oo dhacday 14-kii December ayaa waxaa lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaabm, duqeynta labaad ayaa iyaduna dhacday saddex maalmood kadib, waxaana lagu dilay 8 ka tirsanaa xoogaga Al-Shabaab, sida ay shaaca ka qaaday AFRICOM.

Muddooyinkii lasoo dhaafay Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha dhanka cirka ah isaga oo taageeray ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee la dagaalamaya Al-Shabaab.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment