Daawo: Madaxweyne Lafta-Gareen oo taallaabo culus qaaday kadibna sameeyay…

Bulsha:- Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta qaaday tallaabo isbeddal ah oo ku wajahan maamulkaasi oo haatan wajahaya xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, wuxuuna sameeyay xilka qaadis iyo sidoo kale magacaabis.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa soo buuxiyay kursigii uu baneeyay Wasiirkii hore ee Warfaafinta K/Galbeed Ilyaas Cali Nuur, isaga  xilkaas uu magacaabay Cabdifitaax Cali.

Ilyaas oo kamid ahaa saaxibada ugu dhow Madaxweynaha ayaa xalay ka tegay shaqada, isaga oo is casilaaddiisa u sababeeyay dagaalkii maalin kahor ka dhacay Baydhaba.

Sidoo kale Madaxweyne Laftagareen ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee maamulkaasi, kadib wareegto uu soo saaray.

“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 25 December 2022 waxa uu madaxweynaha magacaabay xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada magacyadooda hoose: 1-Cabdifitaax Cali Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee DKGS.

2-Cabdullaahi Maxamed Aadan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib u Heshiisiinta ee DKGS.

3-Cumar Cabdiraxmaan Maxamed Wasiir ku xugeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Shaqaalaha ee DKGS,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha.

Koonfur Galbeed ayaa haatan ku jirta marxalad kala guur ah, waxaana ka dhashay muran xoogan oo ku aadan doorashada kusoo foodka leh maamulkaasi, waxayna xaaladdu isku beddashay gacan ka hadal, kadib markii la’isku qabtay muddo kororsiga halka sano ah ee dhowaan loo sii sameeyay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen)











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment