Messi iyo xulkiisa Argentina oo ku guuleystay Koobka Adduunka

Bulsha:-  Xulka Argentina ayaa ku guuleystay Koobka Adduunka kadib markii ay rigoorayaal 4-2 ku garaaceen xulka difaacanaya koobka ee France, kadib markii ay barbaro 3-3 ah ku kala baxeen waqtigii dheeriga ahaa.

Goolhayaha Argentina Emiliano Martinez ayaa rigoore ka badbaadiyay Kingsley Coman, halka Aurelien Tchouameni uu bannaanka mariyay, taasoo keentay in Argentina ay ku guuleysato koobkeedii ugu horeysay ee adduunka tan iyo 1986. Waa koobki saddexaad oo ay Argentina ku guuleysato.

France ayaa laba gool kasoo kabatay, kuwaas oo ay ciyaarta kusoo celisay bar-bar dhac 90-daqiiqo ee ciyaartay, iyada oo Kylian Mbappe uu laba gool dhaliyay laba daqiiqo gudahood, ayna ku jirtat rigoore daqiiqadii 80aad.


Argentina ayaa qeybtii hore ee ciyaarta 2-0 ku hoggaamineysay, waxaana kala dhaliyay Messi iyo Angel Di Maria.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment