Jubbaland oo dalab la xiriira xiisada GEDO u gudbisay Ra’iisul Wasaare XAMZA

Bulsha:- Dowlad-goboleedka Jubbaland oo ka hadashay xiisada siyaasadeed ee ka taagan gobolka Gedo ayaa Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi ka dalbatay in uu soo fara-geliyo xiisada ka taagan gobolkaas.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in ka maamul ahaan walaac xoogan ka muujinayaan xaalada amni, maamul iyo bini-aadanimo ee ka jirta gobolka Gedo.

“Dowladda Jubbaland waxay rajeynaysa in xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ay arrintaan wax ka qabato, maadama ay tahay arrin banaanka ka ah Dastuurka iyo xeerarka dalka u dagsan,” ayuu yiri.

“Jubbaland ayada oo gudaneysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah waxay qaadeysa tallaabooyin is-xigxiga oo xal u noqonaya xaalada gobolka, taas oo umadda gobolka Gedo gaarsiinaysa amni, maamul, garsoor iyo adeeg bulsho oo dhameystiran.”

Waxa uu ka codsaday qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Gedo inay garab istaagan nidaamka dowladnimada, kana hortagaan fowdada iyo qaska ay wadaan shaqsiyaadka ku howlan danahooda gaarka ah, sida uu hadalka u dhigay.

Inkasta oo uu madaxweyne ku-xigeenka shaqsiyaadkaas uusan carabaabin, haddana waxaa muuqata in uu ka hadlayo Senator Fartaag iyo Cabdirashiid Janan oo dhawaan tegay gobolkaasi.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ka codsanayna inay arrintaan siiso mudnaanta ay leedahay, waayo arrinta gobolkaan oo la xaliyo waxay fure u noqoneysa la-dagaalanka argagixisada iyo dhismaha qaranimo Soomaaliyeed, maadama gobolka ku xeeran yihiin arrimo fara badan oo dhinacyo badan ka imaanaya.”


Ugu dambeyntiina waxa uu digniin u direy ciidamada kala duwan ee ku sugan gobolka Gedo, oo uu sheegay inay dhex-dhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda iyo maamulka, islamarkaana ka shaqeeyaan amniga oo kaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli wax war ah kasoo saarin xiisada siyaasadeed ee ka taagan gobolka Gedo, xili maamulka gobolkaasi uu si toos ah uga horyimid dowladda.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment