Fadeexadda ‘Qatargate’: Doha oo tallaabo ciqaab ah ugu hanjabtay Midowga Yurub

Bulsha:- Qatar ayaa maanta cambaareysay baaritaanada musuq-maasuq ee ay wadaan booliska Belgium iyo hakinta la-macaamilkii dalkan ee baarlamanka Midowga Yurub, ayada oo sheegtay in tani ay “si taban” u saameyn karto xiriirka labada dhinac iyo qeybinta gaaska dabiiciga ah.

Bayaan uu soo saaray diblamaasi Qatari ah ayaa si gaar ah ugu xusay mas’uuliyiinta Belgiam, wuxuuna ku adkeystay in la isticmaalay “xog aan sax ahayn.”

Booliska dalka Belgium ayaa xiray afar qof oo ay ku jirto madaxweyne ku-xgeenkii baarlamanka Midowga Yurub Eva Kaili, oo ah xildhibaan Greece ah kadib markii ay heleen lacag dhan 1.5 milyan oo Euro. Kaili ayaa xilka madaxweyne ku-xigeen laga qaaday Khamiistii. 

Lacagtan ayaa la tuhunsan yahay inay ka timid Qatar, waxaana baarlamanka Midowga Yurub uu todobaadkii hore dalbaday in Qatar laga joojiyo xiriirka baarlamanka.

Fadeexaddan oo loogu magacdaray “Qatargate” ayaa timid xilli dalal badan oo Yurub ah ay Qatar ka doonayaan inay siiso gaaska dabiiciga ah. Qatar ayaa sidoo kale aheyd xiriirka dalalka Yurub ee Afghanistan, waxayna kumanaan Reer Yurub ah ka caawisay in dalkaas laga soo saaro markii ay qabsadeen Taaliban.

“Go’aanka lagu soo rogay xayiraadda noocan oo kale ee takoorka ah ee xaddidaysa wadahadalka iyo iskaashiga Qatar ka hor inta aan lasoo geba-gebeyn hannaanka sharciga, waxay saameyn taban ku yeelan doontaa iskaashiga amniga gobolka iyo kan caalamka, iyo sidoo kale wadahadallada socda ee ku saabsan tamarta iyo amniga adduunka,” ayuu yiri diblamaasiga.

“Waxaan si adag u diidaynaa eedeymaha dowladdeena la xiriirinayo dhaqan xumo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Qatar ma ahayn dhinaca kaliya ee lagu magacaabay baaritaanka, haddana dalkeenna si gaar ah ayaa loo dhalleeceeyay oo la weeraray.”

Sida laga soo xigtay warbixinnada warbaahinta qaarkood, danaha Morocco ayaa sidoo kale wajahaya baaritaan.

“Waxaan cambaareynta halka dhinac ah ee dalkeena u aragnaa mid looga walaaco,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dacwad oogayaasha Belgium ayaa sheegay inay baaritaan ku hayeen musuq-maasuqa baarlamanka Midowga Yurub in ka badan hal sano ka hor inta aan la qaadin howlgallada 10-kii maalmood ee la soo dhaafay.

“Waa arrin aad looga xumaado in dowladda Belgiam aysan wax dadaal ah ku bixin in ay dowladdeena kala hadasho xaqiiqada marka ay ogaadeen tuhunadaas,” ayuu yiri diblamaasiga.


Bayaanka ayaa lagu xusay xiriir “dhow” oo Qatar kala dhaxeeya Belgium.

“Dalalkeena way iskaashadeen intii lagu jiray Covid-19, Qatarna waa qeybiye muhiim ah oo gaaksa dabiiciga ah siiya Belgium,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qatar waxay dareemeysaa in si gaar ah loo beegsadaday sababtuna ay tahay xasaasiyadda kala dhalatay eedaha loo jeediyey Qatar ee la xiriira Koobka Adduunka iyo mart-gelinteeda. 


“Go’aanka ah in si gaar ah wakiillada hal waddan looga mamnuuco baarlamaanka Midowga Yurub ayaa muujinaya in xildhibaanada si weyn loo marin habaabiyay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Waa nasiib darro in qaar ay ku dhaqmeen naceyb hore oo ka dhan ah Qatar oo ay go’aanadooda ku saleeyaan xog aan sax ahayn iyo war la dusiyey halkii ay sugi lahaayeen in baaritaanka la soo gabagabeeyo.”

Hanjaabadda Qatar ayaa imaneysa ayada oo Doha ay leedahay awood aan caadi aheyn oo ay ku ciqaabi karto dalalka Midowga Yurub, sababo la xiriira inay tahay dalka soo saara gaaska ugu badan ee dabiiciga ah ee caalamka, oo muhiim u ah guryaha Yurub xilliga qaboobaha iyo guud ahaan xilliyada kale.

Dalalka Yurub ayaa Qatar u jiheystay kadib markii Ruushka uu weeraray Ukraine, oo ay go’aansadeen inay yareeyaan ku tiirsanaantooda gaaska Moscow. 

 

 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment