Dalalka ka qayb galay koobka adduunka oo loo qaybinayo $440 milyan, haddaba dal waliba intee ka helayaa?

Bulsha:- Xulka dalka Argentine ee ku guulaystay koobka adduunka ayaa la siinayaa abaal marin lacageed oo gaadhaysa illaa $42 milyan oo dollar oo loo marinayo xidhiidhkooda kubadda cagta.

Sidoo kale xulka Faransiiska oo isagu galay kaalinta labaad ayaa isaguna helaya $30 milyan oo dollar, oo ay ka helayaan lacagaha abaalmarinta ah ee ay bixinayso FIFA sannadkan, kuwaas oo gaadhaya $440 milyan oo dollar.

Sannadkii 2018, waxaa xulka Faransiiska ee ku guulaystay koobka adduunka la siiyey $38 milyan oo dollar oo laga siiyey sanduuqa abaal marinta lacagaha ee FIFA, iyada oo sannadkaas guud ahaan lacagaha abaal marinta ah ee la bixiyey ay gaadhayeen illaa $400 milyan oo dollar.

Lacagahan dhammaantood loo qaybin maayo ciyaartoyda, hase ahaatee waxaa loo qoondeeyey in qayb aad u wanaagsan laga siiyo ciyaartoyda.

Xidhiidh kasta oo kubadda cagta ah oo ka soo qaybgalay koobka dunida ayaa helay ugu yaraan $9 milyan oo dollar oo ah inuu ka qaybgalay koobka dunida ee sannadkan, iyo $1.5 milyan oo dollar oo loogu talo galay inuu ugu diyaargaroobo koobka dunida.

Halka ay lacag dheeraada helayaan dalalka u gudba wareega 16-ka iyo 8-da.

Xulka Croatia oo galay kaalinta saddexaad ayaa isagu helay lacag gaadhaysa $27 milyan oo dollar, halka xulka Marooko oo galay kaalinta afraad la siin doono $25 milyan oo dollar.


Dakhliga FIFA ee afartii sano ee la soo dhaafay ayaa wuxuu ahaa $7.5 bilyan dollar, kaas oo intiisa badan ay ka heshay dhinaca baahinta ciyaaraha, Sponsorships, iibinta tikidhada iyo adeegyada martigelinta.

AP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment