Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhiggiisa Jabuuti kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaasi kula kulmay dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la wadaagay dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle guulaha ay ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah  Al-shabaab, xasillinta dalka iyo adkeynta dowladnimada ayaa uga mahad celiyay nafhurnimada iyo garab istaagga walaalnimo ee ay dowladda Jabuuti, gaar ahaan ciidamada Hiil walaal u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilliga adag ee uu socda howgalka dib u xoreynta dalka.




Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geello oo bogaadiyay natiijooyinka wanaagsan ee laga gaaray dagaalka Al-Shabaab ayaa xusay in dowladda Jabuuti ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si looga adkaato kooxaha caqabada ku ah nabadda iyo horumarka gobolka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment