Dimoqraadiga oo helay aqlabiyadda tooska ah ee Senate-ka Mareykanka

Bulsha:- Senator Raphael Warnock oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ayaa ka adkaaday Herschel Walker oo Jamhuuri ah, doorashadii ku celiska aheyd ee kursi ka mid ah Aqalka Senate-ka Mareykanka oo Talaadadii ka dhacday gobolka Georgia.

Guusha Warnock ayaa xaqiijineysa in Dimoqraadiga ay helaan aqlabiyadda tooska ah ee Senate-ka muddada ka harsan xilka madaxweyne ee Joe Biden.

Ayada oo Warnock uu markii labaad muddo laba sano gudaheed ah ku guuleystay doorasho ku celis ah, Dimoqraadiga ayaa hadda haysta 51 ka mid ah kuraasta Senate-ka halka Jamhuuriga ay haystaan 49.

Kahor doorashadii November, labada xisbi ayaa kala haystay 50-50, hase yeeshee Dimoqraadiga ayaa helay kursiga gobolka Pennsylvania oo horey ay ugu fadhiyeen Jamhuuriga, waxaana ku guuleystay John Fetterman.

Si kastaba, dowladda Mareykanka ayaa noqon doonta mid kala qeybsan ugu yaraan labada sano ee soo socota, maadaama Jamhuuriga ay si dirqi ah ugu guuleysteen aqlabiyadda Aqalka Wakiilada, kalana wareegeen Dimoqraadiga.

“Kadib olole si xooggan loogu dagaalamay – Waxaa sharaf ii ah inaan ku hadlo afarta erey ee ugu weyn ee abid lagu cabiro dimoqraadiyadda: Shacabku waa ay hadleen,” ayuu yiri Warnock oo 53 jir ah mar uu la hadlayey taageerayaashiisa.


Doorashadii dhacday November, Warnock ayaa ku hogaaminayey Walker 37,000 oo cod oo ka mid ahaa 4 milyan oo cod oo la dhiibtay, hase yeeshee ma uusan helin 50% codadka si looga baaqsado doorasho ku-celis oo kala reebto ah.

Guusha Dimoqraadiga ayaa adkeyneysa in gobolkan koonfureed oo siyaasaddiisa ay muddo ku xooganaayeen Jamhuuriga uu hadda kadib yahay mid lagu baratamo, ayada oo madaxweyne Biden uu ku guuleystay 2020-kii, halka labada Senator ee gobolka ku matala Aqalka Senate-ka ay yihiin Dimoqraadi. Barasaabka gobolka Brian Kemp ayaa ah Jamhuuri.

AP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment