Madaxweynaha Hirshabelle oo ku dhawaaqay howlgalo cusub oo ka dhan ah Alshabaab

Bulsha:- Madaxweynaha Dowlad Goboledka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta dib ugu laabtay caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle isagoo safar dhulka ah uga tegey magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay hawlgalo cusub oo ka bilaabanaya deegaanada Galbeedka Hirshabelle.

Cali Cabdullaahi Xuseen Madaxweynaha Hirshabelle oo labadii sano ee uu maamulka Hirshabelle hayay markii ugu horeysay safar dhulka ah ku gaaray magaalada Jowhar siina maray deegaano bariga magaalada Jowhar ayaa ka hadlay hawlgalada cusub ee ka dhan ka ah Alshabaab.

“Dhammaan deegaanada Bari ka xiga wabiga Shabelle dowlad goboleedka Hirshabelle waa laga saaray Khawaarijta waxyar ayaana ka haray waxaana aan dhawaan bilaabaynaa hawlgalo ka dhan ah Khawaarijta oo looga saarayo dhinaca Galbeed ee Hirshabelle,waxaana dhawaan aan tegeynaa deegaanada Buqaqable,Ceel-Cali iyo Gamboole oo aan ka xoreyn doonaa Khawaarijta.”ayuu yiri Cali Guudlawe.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa guul wayn oo taariikhi ah ku tilmaamay qabashada degmada Aadan yabaal oo ay shalay la wareegeen ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka.
“Ciidankii howlgalka ka soo bilaabay balcad iyo kuwii ka soo bilaabay feerfeer waxa ay ka wadahowl galayaan Aadan Yabaal waa horumar dhab ah oo la gaaray.”

Waxa uu Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen u mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Xasan Sheekh Maxamuud dadaalka uu ku bixinayo sidii looga xoreyn lahaa Alshabaab guud ahaan dalka oo dhan.

Safarka dhulka ah ee uu Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen uga ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku wehelinayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan waxana uu soo maray degmooyinka Warsheekh iyo Raage Ceelle iyo deegaano ay ka mid ahaayeen Warciise iyo Qoordheere oo dhowaan lagala wareegay Alshabaab.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment