Xildhibaan Macalimuu oo kashifay cida u sameysa AS qaraxyada

Bulsha:- Xildhibaan Maxamed Ibraahim (Macalimuu) oo katirsan Baarlamaanka golaha shacabka ayaa farta ku fiiqay dawladdo uu tilmaamay in qaraxyada ka caawiyaan khawaarijta al shabaab.

Inkastoo uusan magac dhabin dalalkaas hadana waxa uu qoraalkiisa ku cadeeyey in Al shabaab lagala shaqeeyo maadooyinka laga sameeyo qaraxyada.

Xildhibaan Macalimuu ayaa isweydiiyey su’aal ah sidee loo ogaan waayey meelaha ay soo maraan gaadiidka qaraxyada ka fuliya Muqdisho,taas uu dhawaan ku eedeeyey inay jiraan xubno ushaqeeya Dawladda oo argagaxisada ufududeeya weerarada ay geystaan.

Gacmo Carbeed Kama Marna.

In kasta oo wareysiga laga qaaday mid ka mid ah dhalinyarada Shabaab u sameeya qaraxyada uu ahaa xilli hore ,hadane markaan dhageystay waxaa ii soo baxay in ay meesha ku jiraan gacmo Carbeed. Sababtoo ah ereyada uu isticmaalayo waxa ku jira kuwo Carbeed sida ,Xarigga Dhaliya Qaraxa (Fatiil Mutafajir) Kahraba (Koronto,كَهْرَبَ) Saaiq ( سائق),Zam Naasif IWM.

Qalabka baabuurta waxaan ka barannay oo bilowgii Macalin inoogu ahaa Talyaani sida Cofano,Farrecia,Cambio,Albero,Gomiti,

Pompe Aqua, chiavi inglesi IWM ,ilaa hadda waa la isticmaalaa.

Macalimiinta qaraxyada Shabaab waa Carab ayaan u qaatay










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment