Ciidamo ka mid noqonaya Kumandoska Danab oo Tababar loo furay (Sawirro)

Bulsha:- Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawa Yuusuf Raage ayaa xerada ciidanka kumaandooska Danab ee Ballidoogle, waxa uu tababar ugu furay askar cusub oo ku biireysa ciidanka xoogga dalka.

Jeneraal Odawaa ayaa askartaan uu maanta tababarka u furay wuxuu kula dardaarmay inay daacad u noqdaan shaqada qaran ee loo carbinayo, waxa uu sidoo kale u sheegay in u diyaar garoobaan howlgalada dalka looga saarayo Al Shabaab.

Saraakiisha ciidamada milatariga ee ku sugan xerada ayaa sheegay in ciidankan diyaar u yihiin in ay qaataan tababar si ay qeyb uga noqdaan howlagalada dalka ka bilowday ee la doonayo in Al Shabaab meesha looga saaro.


Tababar maanta loo furay ciidankaan cusub ee milatariga kamid noqonaya ayaa ku soo aadaya xilli ciidanka xoogga dalka uu Al Shabaab kula jiro dagaal culus oo dalka looga xoreynayo kooxdaasi.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment