Dowladda oo xirtay inkabadan 500 bogag ay Shabaab ku leheyd baraha bulshada.

Bulsha:- Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay iney xirtay inkabadan 500 oo boggag ah oo ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd baraha bulshada sida Facebook, Twitter, Telegram iyo TikTok.

Wasiir kuxigeenka wasaarada warfaafinta C/raxmaan Al-Cadaale oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook ayaa sheegay iney talaabadan uga hortagayaan in kooxda Shabaab ay afkaarohooda habowsan ku marin habaabiso bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan ogaysiinaynaa Shacabkeenna Sharafta leh in Xogta aad nala soo wadaagtaan aan markiiba ka jawaabno innaga oo si joogto ah u xirna hadba halka ay isku dayaan Khawaarijtu in ay ku dhuuntaan.Ilaa intii aan ku bilawnay hawlgalka aan ku joojinayno Baraha ay isticmaasho Khawaarijtu, waxaan xirnay in ka badan Shan boqol oo fadhi oo ay ku kala lahaayeen Aaladaha Warbaahinta Bulshada ee Facebook,Twitter, Relegram iyo TikTok” ayuu yiri Cadaala.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa saddex jiho kala dagaalameysa Shabaab, kuwaasoo kala ah dagaalka midka fool ka foolka ah, mid dhanka Maaliyada lagala dagaalamayo iyo midka fikirka oo kooxda looga hortagayo iney afkaaraheeda khaldan gaarsiiso shacabka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment