Taliyaha CID ee gobolka Mudug oo lagu weeraray magaalada Garoowe.

Bulsha:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi xalay lagu weeraray taliyaha hay’ada dambi baarista CID ee gobolka Mudug L/X/le Mahad Cabdi Jaamac.

Wararka ayaa sheegaya in koox hubeysan oo aan wali la aqoonsan ay rasaas ooda uga qaadeen taliyaha, walow uu ka badbaaday isku daygaas lagu damacsanaa in lagu dilo taliyaha.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ee Garoowe ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in weerarkan uu ku dhaawacmay mid kamid ah ilaalada taliyaha oo xaaladiisa laga deyrinayo maadaama rasaasta ay ka haleeshay qqleybaha sare ee jirka.

Ciidamadda amniga ee gobolka Nugaal ayaa wada howlgalo culus, iyago baadi goob ugu jiro soo qaabshada ragii falkan ka danbeeyay, si cadaalada loo horgeeyo.

Si lastaba, weerarkan ayaa shaki culus dhaliyay, iyadoo saraakiisha qaar ay sheegeen in Shabaab ama Daacish aaney awood u leheyn iney fal amni daro ka geystaan caasinadda Puntlamd, iyagoo ku baaqay in si adag loo baaro weerarkan.







Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment