Cristiano Ronaldo oo ka walaacsan go’aankii uu ugu soo biiray Man. United.

Bulsha:- Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uu dareemayo inay “khiyaantay” kooxda Manchester United isla markaana lagu khasbay in uu tago kooxdaas.

Ronaldo oo la hadlayay barnaamijka TalkTV uu daadihiyo Piers Morgan ayaa yiri, “Waxaan dareemay in la ii khiyaanay, waxaan dareemay in dadka qaar ee ka tirsan aysan ila dooneyn in aan halkan joogo”.

Ronaldo lama safin ciyaartii ay kooxdiisa la dheesahy Chelsea bishii lasoo dhaafay kadib markii ciyaartii ka horreysay ee Tottenham uu diiday in uu baddal kusoo galo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in wax ixitiraam ah uusan ka helin tababaraha kooxda Ten Hag.



“Wax ixritaam uma hayo maadama uusan isagu i ixtiraamin, Haddii aadan ixtiraam ii hayn, weligay kuma ixtiraami doono.” ayuu yiri Ronaldo.


 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment