FalCilin ka dhalatay tallaabo ay qaadeen ciidamada DF ee ka dagaalamaya Hiiraan

Bulsha:-Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si weyn uga horyimid arrin ay sameeyeen ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada Hiiraan kadib markii ay qaadeen tallaabo la yaableh.

Macallimuu ayaa ka falciyey muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada, kaas oo muujinayo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo ciyaar dhaqameed ku dil ciyaarayo goob la’isugu keenay meydadka xubno Shabaab looga dilay dagaalkii deegaanka Ceel-hareeri.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in arrintaas ay ka fog tahay dhaqanka Islaamka iyo kan Soomaalida, sida uu hadalka u dhigay.

“Meydka Khawaarijta dushooda in jiibta iyo jaanta leysla helo, dhaqan Islaam iyo mid Soomaali intuba maaha,” ayuu ku yiri Macallimuu, kadib qoraal uu soo dhigay Facebook.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in dagaalka uu xeer leeyahay guushiisana ay tahay in laga adkaado kooxda Al-Shabaab.

“Dagaalku xeer buu leeyahay, waana xaq in la laayo Shabaab. Guuleysta,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyey xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey uga hadashay dhibaatooyinka qaar ee ka dhaca meelaha ay ka socdaan howlgallada culus, iyada oo digniin adag u dirtay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka, si looga fogaado ficilada guracan ee arxan darrada ah.

Si kastaba, ciidamada huwanta oo howlgallo culus ka wada HirShabelle ayaa khasaare culus gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab, ayaga oo kala wareegay deegaano dhowr ah.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment