Madaxweynaha Erdogan iyo Putin oo ku heshiiyey in qamadiga Ruushka si bilaash ah loogu diro dalal ay Soomaaliya ku jirto

Bulsha:-  Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii sheegay inuu dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin kula heshiiyey in qamadiga Ruushka ee soo mara badda madow ay si bilaash ah ay ku tagaan dalalka Afrika ee saboolka ah.

“Markii aan taleefoonka kula xiriiray Vladimir Putin, wuxuu igu yiri ‘ aan bilaash ugu dirno dalal ay ka mid yihiin Jabuuti, Soomaaliya iyo Suudaan’ – waana ku heshiinnay,” ayuu Erdogan ku yiri hadal uu u jeediyay ganacsatada magaalada Istanbul.

Arrintan ayaa timid kadib markii Moscow ay Arbacadii dib u bilowday ka qaybgalka heshiiska dhoofinta qamadiga ee u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Turkiga, taas oo sooo afjartay afar maalmood oo iskaashi la'aan ah ee dhoofinta raashinkan ee dekedaha Ukraine.

Horraantii toddobaadkan, wuxuu Putin sheegay in xitaa haddii Ruushku ka baxo heshiiskan mar kale, uu ku beddeli doono dhammaan saamiga qamadiga ee loogu talagalay "dalalka ugu saboolsan" si bilaash ah kan kaydka u ah Ruushka.

Reuters.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment