Ammaanka Buundooyinka ku yaal Hirshabelle oo la adkeeyay

Bulsha:- TCiidamada ammaanka Hirshabelle ayaa adkeeyay ammaanka buundooyinka wabiga Shabelle ee ku yaal qaar ka mid ah degmooyinka gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Adkeynta ammaanka buundooyinka ayaa timid kadib markii uu sii xoogeystey dagaalada ay kula jiraan ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka dagaalamayaasha Alshabaab ee ku sugan gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Buundada kala qeybisa magaalada Jowhar ayaa labada dhinac waxaa la dhigey ciidamo Boolis ah kuwaasoo baaritaan ku sameynaya gaadiidka isaga kala gudbaya buundada,waxaana mararka qaar la joojiyaa inay ka gudubto buundada mooto bajaajta.

Sidoo kale buundada degmada Balcad ayaa labada dhinac laga dhigey ciidamo badan kuwaasoo rakaabka saaran gaadiidka baaritaan ku sameeya inta aysan ka gudbin buundada Balcad.

Buundooyinka kale ee ku yaal magaalooyinka Beledweyne,Jalalaqsi iyo Buuloburte ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay ammaankooda.

Buundada weyn ee magaalada Buuloburte ayaa 19kii bishii aynu ka soo gudubnay waxaa qeybo ka mid ah lagu burburiyay qarax miino.

Qaraxan ayaa waxaa sheegtey Alshabaab iyadoo ciidamadana ay dileen qof looga shakiyay inuu ka dambeeyay qaraxa ka dhacay buundada Buunoburte.


Ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ayaa kala wareegey dagaalamayaasha Alshabaab deegaano badan oo ku yaal gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe toddobaadyadii la soo dhaafay iyadoo weli ay socdaan howlgalada ay ciidamada dowlada iyo kuwa shacabka ay kaga saarayaan Alshabaab deegaanada ay weli ka joogaan Hirshabelle.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment