Dowladda oo soo saartay digniin culus oo ku wajahan weeraro Shabaab la damacsan tahay Muqdisho.

Bulsha:- Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin culus oo ku wajahan shacabka magaalada Muqdisho, iyadoo uga digtay weeraro kooxda Al-Shabaab ay la damacsan tahay goobo kamid ah caasimadda.

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa shacabka loogu digay iney taxadar dheeraad ah ka muujiyaan tagista goobaha ay khatarada uga iman karto.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale milkiileyaasha guryaha, hoteelada , garaashyada iyo goobaha kaleba lagu faray in ay il gaar ah ku hayaan dhaqdhaqaaqyada ka socda goobahooda.

Halkan hoose ka akhriso digniinta dowladda ee ku wajahan shacabka iyo laamaha amaanka:

1- In shacabku muujiyaan feejignaan guud, gaar ahaan inta uu socdo hawlgalka beegsiga Khawaarijtu.

2- Si gaar ah dowladdu waxay milkiilayaasha hotelada, maqaayadaha iyo goobaha kale ee ganacsiga u soo jeedinaysaa in ay muujiyaan taxaddar dheeri ah.

3- Muwaadiniinta waxaa loo soo jeedinayaa in ay si taxadar leh xaaladda ula socdaan, isla markaana yareeyaan tagista laga maarmi karo ee goobaha ay khatartu uga imaan karto.




4- Waxaa la xusuusinayaa milkiileyaasha guryaha, hoteelada , garaashyada iyo goobaha kaleba in ay il gaar ah ku hayaan dhaqdhaqaaqyada ka socda goobahooda, ciddii aragta ficillo shaki lehna waxaa laga codsanayaa in ay degdeg u soo wargeliyaan laamaha amniga .

5- Ciidamada amniga waxaa ka go’an inay sii wadaan hawlgallo qorsheysan oo lagu burburinayo Khawaarijta, sidaas darteedna waxaan ka codsanaynaa shacabka in ay dulqaad muujiyaan










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment