Xasan Sheekh iyo Afwerki oo kormeeray ciidamada Soomaalida ee lagu tababaray Eritrea

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safarkiisii hore ee bishii Luuliyo ee sanadkan uu ku tagay dalkaas, dowladda Ereteriya uga codsaday in ciidanka tababarka u jooga qaar loo tababaro qeybta ciidamada cirka ayaa Dowladda Ereteriya uga mahadceliyay kaalinteeda dhismaha ciidanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan dufcada koowaad ee ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Cirka ayaa warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah sarakiisha ciidanka, kuwaas oo la wadaagay Madaxweynaha in ay diyaar u yihiin kaalintooda ku aaddan dagaalka argagixisada looga xoreynayo dalka iyo dib u dhiska dowladnimada.


Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamada tababarka ku jira uga warbixiyay xaaladda dalka iyo guulaha dhammeystirka u baahan ee ay soo hooyeen ciidanka Xoogga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku ammaanay adkeysiga ay muujiyeen inta uu tababarku u socday, isaga oo intaas raaciyay in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in ay ka dulqaadaan argagixisada qatarta ku ah nolosha iyo horumarka.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment