Mareykanka oo weerar culus ku dilay 17 Shabaab.

Bulsha:- Taliska Mareykanka ee Africa ayaa xaqiijiyay in Mareykanku uu duqeyn cirka ah ku dilay 17 ka tirsan maleeshiyada Al-shaabaab, kaddib codsi uga yimid dowladda Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay AFRICOM, ma jirto waxyeello dhimasho ama dhaawac ah oo duqeybtan kasoo gaartay dadka rayidka ah.

“Codsi ka yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar ballaaran oo ay isaga difaacayaan argagixisada Al-Shabaab oo weerar ku ah ciidamada Soomaaliya.” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM

“Soomaaliya ayaa weli ah xubin lagama maarmaan u ah xasilloonida iyo amniga dhammaan Bariga Afrika. Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona tababaridda, la talinta, iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada ah, si ay u siiyaan agabka ay u baahan yihiin si ay uga adkaadaan Al-Shabaab.” ayuu raaciyay bayaanka Taliska Mareykanka ee Africa.

Duqeyntay ayaa dhacday sagaalkii bishan, kaddib markii ciidamada xoogga dalka ay dagaal kaga hortageen maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab deegaan ay AFRICOM ku sheegtay inuu qiyaastii 285 kiilo mitir waqooyi bari kaga beeganyahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.


“Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalkan waxayna bixin doonaan macluumaad dheeri ah sida ugu habboon.”ayaa lagu yiri bayaanka taliska Mareykanka ee Africa.

AFRICOM ayaa sheegtay inaysan hadda macluumaad dheeri ah ka bixin howlgalkan










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment