Daawo: Al-Shabaab oo arrin la yaableh sameysay, kadib dagaalkii Ceel-hareeri

Bulsha:- Ayada oo uu haatan dalka ka socdo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab ayaa waxaa isa soo taraya macluulmaadka & wararka laga helayo dhacdooyin la yaableh oo ka dhacaya deegaannada ay howlgallada ka socdaan ee laga saaray Shabaab.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, General General Cabdullaahi Cali Caanood oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa war cusub kasoo saaray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Shabeelaha Dhexe.

Caanood ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Xoogga dalka ee la wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceel-hareeri oo u dhow degmada Aadan Yabaal ay la kulmeen arrin la yaableh, kadib markii ay gudaha u galeen difaacyadii ay ku sugnaayeen xoogaga Shabaab.

Afhayeenka ayaa xusay in ciidamadu ay heleen meydadka dhalinyarado koox koox la’isugu xiray, kadibna la toogtay, halka qaarkoodna bam lagu qaraxiyey, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamada Xoogga dalka waxa ay heleen arrin la yaableh oo aan horey noo soo marin dhalinyarada maleeshiyada Al-Shabaab oo toban toban katiinada ugu xiran tahay xabadduna ku wada taallo qaarna bam ayey ku dhinteen, qaarna ciidanka ayaa toogtay ,” ayuu yiri General Cabdullaahi Cali Caanood oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaas ay caddeyneyso in kooxda Al-Shabaab ay soo qasbeen dhalinyaradaas, islamarkaana raaf ahaan dagaalka lagu soo geliyey.

“Taasi maxay daliil u tahay dadka inay soo raafeen oo ay soo qasbeen oo laga cararayo oo qof walba rabo inuu ka cararo, maadaama ay qasbayaan,” ayuu sii raaciyey afhayeenka.


Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray  “Arrintaas waxa ay ka dhacday Ceel Hareeri waxayna arrintaan noo sheegeysaa boqolka qof ee dhintay in aysan wada aheyn Al-Shabaab,”

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in dagaalkii ka dhacay Ceel-hareeri lagu dilay illaa 200 oo ka tirsanaa maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment