Ciidanka DF oo soo bandhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay (Sawirro)

Bulsha:- Ciidamada Xoogga dalka ayaa degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ku soo bandhigay Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada

Abshir Macalin Idiris oo magaciisu afgarashadu yahay Sahal ayaa  isku soo dhiibey Taliska Guutada 8aad Qeybta 60aad ee Ciidanka Dhulka  ee fadhigooda yahay Degmada Diinsoor, isaga oo watay Qoray nooca AK-47 ah iyo Booshkiisa.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in Abshir uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Jabhaddaha, isla markaana uu ka qeyb qaatay weeraro ay Al-Shabaab ka geysteen degaanno ka tirsan Gobolada Galgaduud, Mudug, Hiiraan Shabeellaha Dhexe & Jubboyinka.

Abshir Macalin idiris oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo Shan sano ah uu ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu Al-Shabaab uga biiraay degaanka Gurbaan ee Gobolka Bay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment