Qaramada Midoobay oo ku baaqday in dib loo bilaabo wada-hadaladii dalka Yemen

Bulsha:- Madaxa guddida xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Volker Tuerk ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wadahadaladii dalka Yemen ee ay dhexdhexaadinaysay Qaramada Midoobay. Iyada oo bilo ka hor uu dhamaaday heshiiskii xabbad joojinta ahaa, kaas oo sababay inay sare u kacaan khasaaraha dadka rayidka ah soo gaadhaya.

War qoraal ah oo uu soo saaray Tuerk ayu uku sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalka iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay, tan iyo markii dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen ay ku guuldaraysteen inay kordhiyaan heshiiskii xabbad joojinta ee soconayey muddada lixda bilood ah, taas oo ku ekayd, bishii October 2-deedii. 

Guddoomiyaha guddida xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa dhinacyada ku boorriyey inay ka wada hadlaan sidii loosoo afjari lahaa colaadda khasaaraha badan dhalisay.

Afhayeen u hadlay guddida xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Jeremy Laurence, ayaa sheegay in qaybo badan oo ka mida khasaaraha soo gaadhay shacabka, in lagu eedaynayo kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ee dalka Yemen.


Laurence waxa uu sheegay inay adag tahay in la xaqiijiyo tirada dadka rayidka ah ee ku waxyeeloobay dagaalada ugu dambeeyey, balse wuxuu sheegay in xafiiskiisu inuu xaqiijiyey saddex dhacdo oo duqaymo ah oo fallaagada ay dawladda Iran taageerto ay ka gaysteen dhulka ay dawladdu maamusho.

Dagaalka ka socda dalka Yemen oo bilaabmay sideed sano ka hor ayay ku dhinteen in ka badan 350,000 oo qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment