Xog sirdoon oo laga helay al shabaab dhexdooda & arin halis ku ah oo….

Bulsha:- Agaasime kuxigeenkii hore ee Hay’ada NISA General Cabdalla Cabdalla ayaa waxa uu ka hadlay xog sirdoon uu ka helay Alshabab dhexdooda kuwaas uu sheegay inay hadda wajahayaan xaaladii ugu xumeyd bur burkoodana la dareemayo.


Alshabab waxay ku jiraan rafashadii ugu danbaysay, Waxay si naflacaari iyo baryootan ah kulamo ay lacago ku bixinayaan ku abaabulayaan odayaal gacan ku samays ah,si gaar Shalay Oo Bisha ahayd 12 oct , waxay meel u dhow degmada Jamame Isugu yeereen odayaal gacan ku samays ka kooban beelaha Dir(sida Biyamal , Sure , Warday, madaluuq iyo Reer owsiciid)Ee Jubbooyinka,si loo damiyo kacdoonka iyo baabulka dib u xoraynta Ee maalmihii lasoo dhafay ka socdo Jubbooyinka , Shabellaha hoose , iyo Mudug .

Sida lawada ogyahay Beelaha Dir sigaar ah Surre ,Biyamal iyo Wardey Waxay Marwalba hormuud u ahaayeen Dagaalka Iska dhicin Alshababab , Waxaa lawada ogyahay doorkii hogaamin Ee Reer Xerale ku lagaayeen halgankii ASWJ Ee Ee Alshabab looga xoreeyay Guriceel ,Dhusamareeb,Matabaan, Wabxo Ilaa Ceel buur,ayna uga bexeen hogaamiyayaal caan ahaa sida Col C/weli Dhagabadan(رحمةالله عليه) iyo shuhado kale Oo qiimo badan ugu fadhiyay Dadka Soomaaliyeed,halgankaas Oo bilowday dabayaaqadii 2008- sidoo kale Beesha Biyamal ayaa laga soo bilaabo 2015 Ilaa Maanta dagaal Iska caabin ah kula jirta Alshabab Gobolka Shabelaha hoose , waxaa Weli go’doonsan Caasimada Marka (dagaal ay kali ku noqdeen), waxaa la ogaa dagaalkii 2018-2021 Bacaadweyne beesha Qubays ay Alshabab ku hortaagnaayeen dad badanna uga dhinteen, hal Maalin in ka badan 100 khawarijta ah Inta ku dileen maxaabiis horjoogaal ku jireenna Dowladda ku wareejiyay, ilaa markii ay dowlad iyo derisba waayeen isaga bexeen dagalkii tooska ahaa.

Weli Halganka Beesha Ee la dagaalka argagixisada Alshabab Waa socdaa, sidaas darteed maadama Alshabab iyo beesha ay si Fiican isku dagaal yaqaanaan Alshabab Waxay saari doontaa xoog inaysan Markale u midoobin ladagaalankooda.

Hadaba Waxaan si guud baaq ugu dirayaa Beesha meelwalba ay degan yihiin sida Mudug , Galgudud,Hiiraan , Sh/hoose , Jubooyinka, Gedo iyo Bakool inay u midoobaan Dagaalka dib u xoraynta dalka , qaybtoodana ka qaataan,hadii markii hore Dagaalka Aad kali ku ahaan jirteen sanado badan, Maanta Somali oo dhan ayaa idinla aragtay Alshabab Oo Dhib ka Alshabab soo karay. Hadii Xilli Aad ka difaacan jirteen Xaqiidadiina iyo dhulkiina Maanta Somali oo dhan ayaa difaaca Idinkula jirta. (Washamsiga ka qaybtiina ka qaata si u qalanta sharaftiina iyo maqaamkiina dalka iyo dadka Somali Aad ku dhex leedihiin)


Si gaar Reer Jubooyinka waajib gaar ah ayaa kasaaran hoyga Alshabab Ee jubbooyinka inay soo afjaraan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment