Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka & dhiggiisa Austria?

Bulsha:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magalada Vienna kula kulmay dhigiisa dalka Austria Wolfgang Sobotka.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay mataaneynta labada baarlamaan ee Austria iyo Soomaaliya, iyadoo labada guddoon ay muhiimad gaar ah siiyeen sidii shaqaalaha iyo xildhibaannadda Golaha Shacabka ay u heli lahaayeen aqoon kororsi. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa Dowladda Austria uga mahadceliyey soo dhoweynta loo sameeyey isaga iyo wafdigiisa ayaa xusay in dalka ay ka jirto abaaro saameyn weyn ku yeeshay dadka, degaanka iyo xoolaha, islamarkaana dowladda dagaal kula jirto Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Qaranka Baarlamaanka Austria,  Wolfgang Sobotka, ayaa dhankiisa ballan qaaday Dowladda Austria diyaar u tahay in ay gacan ka geeysato dagaalka lagula jiro Al Shabaab iyo sidii kaalmooyin uga geeysan lahaayeen dadka ku waxyeeloobay abaaraha ku dhuftay gobolada dalka Soomaaliya.


Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, ayaa gabagabada kulanka sheegay in dagaalada lagula jiro Al Shabaab ay guulo waaweyn ka gaartay Dowladda Soomaaliya islamarkaana loo baahan yahay in si buuxda loo tageero dadka degaanka is abaabulay si guud ahaan dalka looga xorreeyo Al-Shabaab.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment