Dowladda oo ruqsada shaqo kala noqoneysa Nootaayooyin Shabaab xog siiyay.

Bulsha:- Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa uga digtay maamulada Nootaayooyinka Muqdisho iney kooxda Shabaab u gudbiyaan xogta dadka dhulalka iyo guryaba kala gata ee ay iyaga u kala wareejiyaan.

Sida xogaha la helayo ay muujinayaan waxaa jira amar ay dul dhigtay Nootaayooyinka, kuwaasoo xogta guryaha iyo dhulalka ay kala wareejiyaan oo ay ku jiraan xiriirka dadka kala wareejista ay siiyaan Shabaab, iyadoo kooxdaasi ay toos u soo wacdo dadka wax kala wareejista oo ay lacago ka qaataan.

“Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka waxaa soo gaartay cabasho ka timid qaar ka mid ah Dadweynaha Soomaaliyeed, kuwaasoo ka cabanaya in qaar ka mid ah Nootaayooyinka Magaalada Muqdisho ay xogtooda la wadaagaan Ururada Argagixisada, sida Khawaarijta Al-Shabaab taasoo ah fal dembiyeed weyn,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda.

Sida ku cad qoraalka wasaarada, waxaa ruqsada shaqo lagala noqon doonaa Nootaayadii ay arrintan kusoo cadaato, iyadoo kiiska loo gudbiyay hay’adaha amniga oo baaritaano ku wado.

“Haddaba, Wasaaraddu waxay u gudbisay Hay’adaha Amniga Qaranka cabashooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed ay soo gudbiyeen si baaris loogu sameeyo dhacdooyinkaas. Wasaaradda iyadoo gudaneysa waajibaadkeeda ku qeexan xeerka Nootaayooyinka waxay ruqsadda kala noqoneysaa Nootaayooyinka lagu helo fal-dembiyeedyo lid ku ah sharciga..” ayaa la sii raaciyay qoraalka.

Wasaaradda ayaa ku wargelisay dhammaan mas’uuliyiinta leh nootaayooyinka dadweynaha in xogta macaamiishooda oo ay la wadaagaan argagixisada tahay fal-dembiyeed weyn oo xad-gudub ku ah shuruucda iyo dastuurka dalka, falkaas oo noqonaya gacan-siin ama la-shaqeyn argagixiso oo cad.


Qof kasta oo lagu helo gacan-siinta argagixisada wuxuu muteysanayaa ciqaabta ku qeexan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (XCS) iyo Xeerarka kale ee dalku leeyahay,” ayey tiri wasaaradda










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment