Diyaaradaha ay sameysay Iran oo duqeeyay caasimadda Ukraine ee Kyiv

Bulsha:-  Caasimadda Ukraine ee Kyive waxaa subaxnimadii hore ee Khamiista maanta ah duqeeyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kamikaze ee ay samaysay Iran, iyadoo dadka agagaarka caasimadda ay kusoo tooseen digniinta hawada sare ee seeriga subaxii afraad oo isku xiga.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa gurmad degdeg ah ugu baxay goobaha ay ka dhaceen duqeymahan. Weli ma cadda inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ee duqeybtii ugu dambeysay ee Ruushku ka fuliyo Ukraine.

Guddoomiyaha gobolka Kyiv Oleksiy Kuleba ayaa sheegay in duqeymahan ay ka dhaceen agagaarka magaalada caasimadda ah.

Ku xigeenka madaxa xafiiska madaxweynaha Kyrylo Tymoshenko ayaa ku sheegay Telegram in “xarumaha kaabayaasha muhiimka ah” ee aagga Kyiv la garaacay, iyada oo aan wax faahfaahin ah laga bixinin.

Weerarada Kyiv ayaa ahaa kuwa naadir ah kahor inta aan caasimada la duqeyn ugu yaraan afar jeer intii lagu jiray weeraradii waaweynaa ee Isniintii, kuwaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof.

Hoggaamiyayaasha reer galbeedka ayaa todobaadkan ballan qaaday inay hub badan u diri doonaan dalka Ukraine, oo ay ku jiraan nidaamka difaaca hawada.


Kyiv ayaa sheegay in ay muhiim u yihiin jabinta ciidamada Ruushka ee soo duulay.

Milateriga Ukraine ayaa toddobaadkan sheegay in difaaca cirka ee ay hadda leeyihiin ay soo rideen tobannaan gantaallo ah oo soo galayay Ruushka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed-136, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kamikaze kuwaas oo kaalin sii kordhaysa ku leh dagaalka.

AP/VOA










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment