War cusub oo kasoo kordhay dagaalada G/Hiiraan & ATMIS oo lagu dhagan yahay

Bulsha:-  Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ATMIS ee hore loogu yaqiin AMISOM sanado ka hor waxa ay ka qeyb qaadan jireen ama hormuud ka ahaayeen howlgallada ka dhanka ah Shabaab. Xilligii wariyenimadeyda waxa aan u raacay howlgallo badan oo Khawaarijta lagaga saaray deegaano badan ,sida Qoryooleey ,Buulamareer ilaa Baraawe. Barigaas AMISOM waxa ay ku doodi jireen in Ciidamada XDS aaney awood badan laheyn ,dadweynaha deegaanadana aaney wadashaqeyn ka heysan .

Hadda ciidmadii XDS waa kuwa dagaalka adag kula jira cadowga ,Shacabkii waa kaa ku kacay Shabaab ,laakiin nasiib darrada jirta waa ATMIS oo gacmaha ka laabtay dagaalkii ay Alshabaab kula jireen oo kaliya ku soo ururay is difaac.

Sidan xal maaha ,Baarlamaanka Soomaaliya waxa aan u soo jeedin lahaa kolka uu furmo kalfadhiga innagu soo aaddan in la isku wareysto howlgalka ATMIS . Ciidamo 20,000 gaaraya oo magaca kaalmada Soomaaliya mushahar ku qaata ,oo aan hadana kuu ciidmineyn waa arin culus oo shaki badan abuureysa.

Waxa kaloo Iyana nasiib darro kale ah ciidamada khaaska ah ee tababarka sare leh ee Soomaaliyeed in ay ku shaqeeyaan amarro shisheeye oo aay madaxda ciidamda awood kooban ku leeyihiin . Waxa ay mararka qaarkood ciidamada iyo xoogagga kacdoonka dadweyne galiyaan cabsi iyaga oo u sheegay in dhowr boqol oo Shabaab ah ay dhankoodu ku soo socdaan drone-kooda ay arkayaan .

Ma duqeynayaan ,juuq uma yiraahdaan ,hadiise iyagu ay howlgalku qeyn ka yihiin dhan walba waa laga taageerayaa oo ay ku jirto duqeynta ay codsadaan si loo yiraahdo ciidamada dal heblaayo uu tababaro waa cajiib .Ma garan karo goorta ciidan Soomaaliyeed uu labo qaanad kala galay .


Waxa la joogaa xilligii Shabaab waddanka laga saari lahaa ,hadii ciidamada ajnabigu aaney howlgalka iyo dagaallada socdaa aaney qeyb ka aheyn ,ma aqaano sabab ay dalka u joogaan.

Hadii ay inanga baxaan Shisheeyaha sadax uun bey mid noqon.

In runta loo dhaadhaco oo aan Shabaab jihaad sax ahaan la galno kana adkaanno, sida ka jirta deegaanno badan oo Soomaaliyeed.

In Shabaab sidii Daalibaanka ay inanga adkaadaan oo dalka ay la wareegaan.

Iyo In cid walba ay taagtiisa runta u sheegto oo la gaaro hishiis dhab ah.

Wixii intaas ka soo hara waa qorshe Ha Dhiman ,Hana Noolaan (Daalac Naasil) . Waxaan aaminsanahay hadii ay daacadnimo jirto Shabaab bilo yar gudahood si weyn ayuu u wiiqmayaa lagagana adkaanayaa balse waxa muuqata ra’yi ay dad badan ka qabaan shisheeyaha waddankeenna jooga oo ah in Shabaab nalku dul hayo.

Waxaa qoray: Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment