Dowladda Qatar oo Safiir Cusub u soo Magacaabatay Soomaaliya

Bulsha:- Amiirka dalka Qatar ayaa Soomaaliya u soo magacaabay Safiir cusub oo lagu magacaabo abdallah saalim nasser Al holie oo ah Diblomaasi Sare, waxaana uu bedelayaa Safiirkii hore ee dalkaas u joogay Soomaaliya Xasan Bin Xamzah.

Qatar ayaa ah dalkii labaad oo ka mid ah Khaliijka oo is bedel ku sameysa Safiirkii Soomaaliya u joogay, horay Imaaraadka Carabta ayaa Safiir cusub u soo magacawday Soomaaliya.

Dhinaca kale Safiirkii Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamzah ayaa munaasabad sagootin ah loogu sameeyay Muqdisho, kaddib markii ay u dhamaatay shaqadii Safiirnimo oo muddo 8 Sano uu dalkiisa uga wakiilka ahaa Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiiro iyo Diblomaasiyiin kale.

Qatar ayaa ah dalka labaad ee mashaariic horumarineed oo dib u dhis iyo sama fal ka fuliyay Soomaaliya shantii sano ee la soo dhaafay, mashaariicdaas waxaa ka mid ah mashruuc dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Agooye – Muqdisho iyo Balcad. Sidoo kale dhowaan la bilaabi doono Wadada Balcad iyo Jowhar oo Mashruuciisa la haayo.

Safiirka Xasan Bin Xamzah ayaa lagu ammaanay doorkii uu ku lahaa horumarinta iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment